‬Walaalaha Xulka Qaran Soomaalia ee Oceanstars‬ Matalaya Waxka Ogow

Labadaan ciyaartoy ee faah-faahintooda aan hoos idinkugu soo qoray, waa walaalo hal koox ka wada tirsan, waxeyna fursad u heleen iney hal tartan qaranka matalaan.

Abdulkadir Said Ahmed:

Waa 20-jir ka ciyaara khadka dhexe kana tirsan kooxda Vantaan ee dalka Finland, kooxdaan January 2019 ayuu yimid, wuxuuna qandaraaska ka dhacayaa 31-ka bishaan.

Wuxuu ku ciyaaraa lugta midig, waa xiddig kubadda sameeya sidoo kalana burburin kara, heerka ugu sarreysa qiimeynta suuqa uu gaaray waa 25 Kun oo Yuuro.

Abdulkadir waa markii ugu horreysay looga waco qaranka.

Ahmed Said Ahmed:

Waa 21-jir ka ciyaara daafaca dhexe kana tirsan kooxda Vantaan ee dalka Finaldn, wuxuu kooxda yimid Maarso 2019, isna dhamaadka bishaan ayuu qandaraaska ka dhacayaa.

16-ciyaarood ayuu kooxdiisa u saftay, 8-kaar oo digniin ah ayuu qaatay hal jeerna waxaa dhacday inuu laba digniin iyo hal casaan ah qaato, ku darso lugta midig ayuu ku ciyaaraa.

Ahmed waa markii labaad oo qaranka looga waco, laba kulan ayuu saftay ciyaarahii isreeb-reebka koobka Adduuka wadamada Afrika.

Image may contain: one or more people, people playing sports and outdoor

Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor

W/Q:Abdirashid Mohamud Nor

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com