10-cayaaryahan oo ay Real Madrid usoo qaadan karto bedelak Ronaldo

Laacibka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhameystiray heshiis uu Juventus ugu biiray 112-million oo Euro, sidaas darteed waxaa lasoo xarriiqay 10-cayaaryahan kuwaas oo ay Real Madrid usoo qaadan doonto bedelkiisa

1- Neymar Jr

Image result for neymar

Laacibka ugu hadal heynta badan ee bedeli kara Ronaldo waa Neymar Jr kaasoo xagaagii hor PSG kaga biiray dhanka Barcelona, waxaana 26-jirka reer Brazil uu yahay dookha koowaad ee Real Madrid iyadoo durba bilawday ka shaqeynta sidii laacibkan ay usoo qaadan lahayd

2- Kylian Mbappe

Image result for Kylian Mbappe

Kylian Mbappe ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad, iyadoo ay jirto in PSG laacibkeeda iska iibiso si ay isula ekeysiiso dhaqaalaheeda, waxaana uu diiradda u saaranyahay kooxda reer Spain oo aad ula dhacsan qaab cayaareedka 19-jirkan

3-Eden Hazard

Image result for eden hazard

Xiddigga Chelsea ee Eden Hazard ayaa ka mid ah cayaartoyda ugu dhow ee Los Blancos dooneyso inay bedel kaga dhigto Cristiano, xilli wararka qaar ay sheegayaan in Numberka 7-aad meel loo dhigay

4- Robert Lewandowski

Image result for Robert Lewandowski

Hooggaamiyaha Poland ee Robert Lewandowski ayaa ka mid ah weeraryahannada sida aadka ah loola xiriirinayo Real Madrid isagoo kooxdiisa Bayern u sheegay inuu doonayo ka tegitaanka Allianze Arena

5-Mauro Icardi

Image result for mauro icardi

Kabtan-ka Inter Milan ee Mauro Icardi  ayaa kusoo baxay gooldhaliye laga baqo isagoo shiishka Real Madrid saaran muddo, waxaana uu ku jiraa cayaatoyda laga yaabo inay bedelaan Ronaldo

6- Harry Kane

Image result for Harry Kane

Harry Kane ayaa noqon kara mid kale oo bedel u noqda Ronaldo, inkastoo uu dhowaan heshiis waqti dheer ah u saxiixay Tottenham, haddane Los Blancos ayaa si aad ah u xiiseynaysa gooldhaliyahan 24-jirka ah

7-Mohamed Salah

Image result for Mohamed Salah

Laacibka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku jira kaasoo Real Madrid ay muddo baadi goobeysay, waxaana uu noqon karaa gool dhaliye la isku hubo

8- Paulo Dybala

Image result for Paulo Dybala

Weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala ayaa ka mid ah, waxaana Los Blanocs ay dooneysaa da’yarkan inay ka dhigto gool-dhaliyaheeda xiga

9- Sergej Milinkovic-Savic 

Image result for Sergej Milinkovic-Savic

khadka dhexe laacibka uga cayaara SS Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic ayaa kasoo muuqday liiskan, iyagoo si adag ugu hardami doona Manchester United

10-Cristian Pulisic

Image result for Christian Pulisic

Cristian Pulisic oo garabka ugu cayaara Borussia Dortmund ayaa liiskan kasoo muuqday, sidoo kale booska khadka dhexe ee weerar caawiyaha ayuu ka cayaaraa