10-ka Kooxood Ee Ugu Qanisan Marka La Qiimeeyo Lacagaha Ka Soo Kaga Ku Guulaysiga Koobabka Oo La Soo Saaray

Waxa la soo saaray Liiska 10-ka kooxood ee ugu qanisan marka loo eego dhanka koobabka ay ku guulaysteen iyada oo kooxda Bayern Muncih noqoqtay kooxda ugu qanisan iyada oo xitaa ka qanisan kooxaha Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Liverpool iyo kooxo kale oo badan.

Daraasadan ayay samaysay F Hinds kuwaas oo ay sameeyeen wakhtigii igu dambeeyay iyaga oo ku qiimeyay kooxaha iyo koobabka ay ku guulaystay sanadihii la soo dhaafay.

Wargayska Express ayaa sheegaya in qiimayn lagu sameeyay koobab ay koox walba ku guulaystay marka la eego kuwa dahabka ka samaysaysan iyo kuwa maarta ka samaysay.

Xilli Champions League loo arko koobka ugu qaalisan yurub dhanka kooxaha laakiin koobka laftiisa ayaa ka samaysan maar taas oo lagu qiimeeyo £3,157.

Waxa kaalinta 2-aad ku jirta kooxda Real Madrid halka ay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona ku jirto kaalinta 3-aad.

Kooxaha premier League ayaa ku leh 3 kooxood kuwaas oo akla ah Man United, Liverpool & Arsenal halka La Liga 3 koox ku leeyihiin iyada oo horyaalka Serie A-da ku leeyahay 3 kooxood

 

.