10-ka Xiddig Ugu Guulaysiga Badan koobabka kubada cagta

Dani Alves ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu koobabka badan kubada cagta kadib markii uu Axadii xulka qarankiisa Brazil kula guulaystay koobka Copa America.

Daafaca kooxda Paris Saint-Germain ayaa kor ugu qaaday koobabkii 40 -tanaad oo uu ku guulaystay xirfad jirtay 18 sano oo uu u soo ciyaaray 5 kooxood iyo waliba 115 kulan oo uu u ciyaaray xulka qarankisa.

Alves ayaa xirfadiisa ka bilaabay kooxda dalka Brazil ee Bahia ka hor inta uuna sanadkii 2002 ku biirin kooxda Sevilla halkaasna ka bilaaban koobabka uu ilaa haatan ku guulaystay.

Xiddiga ayaa koobab kula guulaystay kooxaha Sevilla, Barcelona, Juventus iyo PSG si la mid ah xulka qarankiisa Brazil oo uu kula guulaystay 4 koob.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka Xiddig ee ugu koobabka Badan:

1 – Hossam Hassan (41 trophies)

2 – Dani Alves (40 trophies)

3 – Ibrahim Hassan (37 trophies)

3 – Maxwell (37 trophies)

5 – Oleksandr Shovkovskiy (36 trophies)

6 – Andres Iniesta (35 trophies)

6 – Lionel Messi (35 trophies)

6 – Ryan Giggs (35 trophies)

6 –  Zlatan Ibrahimovic (35 trophies)

10 – Vitor Baia (34 trophies)