10-sano kaddib Kooxda Liverpool oo gaartay Wareega -8aad ee Champions League

Kooxaha Liverpool iyo FC Porto ayaa ku kala baxay 0 – 0, lugta labaad ee Wareega 16-ka tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, xilli isku celcelis ahaan ay ka dhigan tahay 5-0.

Kooxda Reds ayaa xaqiijisay usoo bixitaanka wareega xiga ee tartankaan, kaddib markii ay Ciyaartooda kusoo dhamaatay barbaro gooll,aan ah 0 – 0, xilli ay ku wada Ciyaarayeen garoonka Anfield, iyadoo xasuusan guushii wayneed ay kusoo gaareen guriga Porto.

Naadiga Liverpool ayaa dib u helaysa awoodeedii Cyaareed ee tartamada Yurub, kaddib markii ay gaartay wareega sideed dhamaadka ee tartanka, waxaana ugu danbaysay in ay gaarto heerkan oo kale fasal Ciyaareedkii 2008/2009 wareega Sideed dhamaadka, ka hor inta aysan ka reebin Chelsea Wareega Quarter-fiinaalaha ee tartankaan.

Kooxaha Barcelona iyo Tottenham oo lagu daray Kooxda Liverpool ayaan wali laga badin tartankaan tan iyo markii uu bilowday, xilli Macalin Klopp uu maanka ku hayo dheesha Sabtida ay la qaadan doonaan Kooxda Cadowgiisa ee Manchester Uniyted, kaddib markii uu kayd kusoo bilaabay Xiddigihiisa Virgil van Dijk, Mohamed Salah iyo Alex Oxlade-Chamberlain, wallow uu bedel ku sameeyay Emre Can, Sadio Mane iyo Roberto Firmino

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com