10 Xiddig Oo Safka 1-aad Ah Waayi Doonta Kulanka PSG Ee Arbacada Man United

Macalinka Kooxda kubada cagta Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Paris u qaadan doona xiddigo dhaawac qabo marka uu Arbacada ka hor tagi doono kooxda PSG kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega champions League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uuna midna ka soo kabsan dhaawaca xiddigihii ka dhaawacnaa marka ay PSG la ciyaari doonaan Champions League.

Man United ayaa way doonta 9 xiddig kooxda 1-aad ah iyo waliba Paul Pogba oo ganaax ku seegi doona kulanka kadib kaarkii casaa ee uu qaatay.

Hadaba xiddigaha ka maqan Man united ayaa kala ah Nemanja Matic, Ander Herrera, Jesse Lingard, Juan Mata, Anthony Martial, Phil Jones, Matteo Darmian & Antonio Valencia ayaa dhamaantood dhaawacan halka uu Sanchez haatan ku biiray Liiskaas