10-Xiddig Ugu Mushaharka Badan Serie -A Oo La Soo Saaray- Yaa ugu Mushaar Badan

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A isagoo sannadkii kooxda Juventus ka qaata 31 milyan euro.

Waxaa sarre u kacaya mushaharka laga bixiyo kubada cagta Talyaaniga waxaana u sabab ah xiddig xulka Portugal kaasoo tagay horyaalka xagaagii la soo dhaafay.

Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan

Wargeyska Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa soo bandhigay xiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka Talyaaniga, waxaana ay sheegeen in mushaharkii la bixiyay xilli ciyaareedkii hore uu wadar ahaan ahaa 1.13 bilyan euro halka xilli ciyaareedkan uu noqon doono 1.4 bilyan euro.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa hogaaminaya xiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka isagoo qaata 31 milyan euro waxaana uu ka mushahar badan yahay Matthijs de Ligt (8m euros), Romelu Lukaku (7.5m euros), Gianluigi Donnarumma (6m euros), Diego Godin (5m euros) iyo Franck Ribery (4m euros) oo la isku daray.

Ronaldo waxa uu mushahar ahaan u qaataa inta ay mushahar ahaan u bixiso kooxda Parma oo dhan (31 milyan euro), waxaana uu ka sareeyaa kooxda SPAL (30 milyan euro) iyo Brescia (28 milyan euro