11-ka Xiddig ee beeca xorta ah uga tagi karaManchester United xagaaga

Kooxda kubadda Manchester United ayaa xagaaga soo aaddan laga yaabaa in ay wayso qaar ka mid ah cayaaryahana ugu muhiimaan, kuwaas oo qaab bilaash kaga dhaqaaqi kara garoonka Old Trafford Xiddigahaas  ayaa waxaa ka mid ah goolhayaha David De Gea kaas oo waqti badan ay doonaysay kooxda ku cayaarta   garoonka Benabeu ee Real Madrid Sidoo kale  daafacyada Chris Smalling iyo Phil Jones ayuu heshiiskoodu dhici doonaa marka uu soo gabagaboobo xilli cayaareedkan

Haddaba waxaan idinsoo gudbinaynaa 11-ka xiddig ee bilaashka uga tagi karaManchester United  xagaaga dambe:-

GOOLHAYE:David De Gea.

DAAFACYADA:Phil Jones, Chris Smalling, Shaw, Darmian.

KHADKA DHEXE:Young, Herrera, Mata, Valencia.

WEERARKA:Periera, Martial.