12-sano ka hor ayaa ugu dambeesay bisha Maarso in Naadi 18-dhibcood hogaanka EPL ku qabato iyo xaqiiqooyin kale

Xaqiiqada 1-aad: Man City haatan waxay 18-dhibcood hogaanka EPL kaga hayaan Liverpool waxaana ugu dambeesay dhibco intaan la eg in horyaalka lagu qabto xiligaan bisha Maarso oo kale sanadii 2006 oo ay sidaas sameesay Chelsea waxayna ka sareeyeen 18-kaas dhibcood Man United.

Xaqiiqada 2-aad: Man City ayaa 902 baas dhameestirtay sameesay kulanki Chelsea waana baaskii ugu badnaa ee Naadi loo diiwaan galiyo hal kulan EPL tan iyo xili cayaareedkii 2003/04!

Xaqiiqada 3-aad: Bernardo Silva ayaa markii ugu horeesay labo kulan oo isku xigto kulamada horyaalka goolal dhalinaayo sidaan u sameeyo waxaa ugu dambeesay May 2017 mar uu Naadiga Monaco ka tirsanaa.

Xaqiiqada 4-aad: Chelsea waxay ku guul dareesatay qaybtii hore cayaarta inay hal laad goosha Man City ku aadiso, waana markii ugu horeesay tan iyo 2003/04 waa markii la bilaabay adeegsiga shabakada Opta ee xogaha cayaaraha diiwaan galiso!

Xaqiiqada 5-aad: Eden Hazard ayaa 31-jeer kubada taabtay wuxuuna ku taabtay meel ka baxsan xerada ganaaxa asigoo lambarka 9-aad laga cayaarsiiyay kulankan.

W\Q:Zakarie Abdi

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com