Ibrahimovic oo si caadi ahayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Los Angeles

Xiddigii  hore ee kooxda kubada cagta ee  Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dagay Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Man United ayaa burburisay heshiiskii uu Ibrahimovic kula jiray kooxda si ugu biiro kooxda  cusub, waqti badanna kuma qaadan inuu koox kale ku biiro oo uu durba u saxiixay kooxda  ka dhisan magalada Los Angeles  ee Galaxy

Jamaahiir aad ufara badan  ayaa si weyn usoo dhaweeyay joog dheeraha xulka  Sweden dalka Mareykanka.

Zlatan Ibrahimovic oo u soo ciyaaray kooxo badan oo magac ku leh qaaradda Yurub ayaa haatan u weecday horyaalka dalka Mareykanka ee MLS, halkaasoo la filayo inuu cayaarihiisa ku soo gabagabayn doono.

Zlatan Ibrahimovic  ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horreeyey u cayaaro kooxdiisa cusub ee LA Galaxy marka ay la cayaareyso kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Los Angeles FC.

Image result for Zlatan Ibrahimovic Los Angeles  ee Galaxy

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com