17 Cayaaryahan Oo Seegi Kara Koobka Aduunka 2018

Kaliya laba bilood ayaa ka dhiman in magaalada Moscow laga daaro shumaca dhacdada ugu xiisaha badan kubada cagta ee koobka aduunka 2018, tababarayaasha ayaana soo saaray liiska horudhaca ah ee la filayo in ay koobka ay la soo shirtagi doonaan, waxaana jira magacyo waaweyn oo xulalkooda laga waayay

Brazil ayaa Ruushka u safri doonta, iyadoo aan wadan David Luiz kaa oo lumiyay booskiisa kooxda Chelsea, sidoo kale Danilo oo Manchester City ka tirsan, halka calaama su’aal la saaray Neymar oo dhaawac ka soo kabanaya

Xulka Germany waa midkamid ah xulalka loo saadalinayo in markale difaacan doonaan koobka aduunka,waxaana jira magacyo waaweyn sida Manuel Neuer, Mario Gotze,Weigl iyo cayaaryahan Reus oo suurta gal tahay in aysan la safrin xulka Germany

Waxaa jira xidigo laf dhabar ah oo koobka aduunka laga weyn doono safka Argentina, Paulo Dybala ayaan lagu darin safka Argenina sidoo kale Mauro Icardi, Pastore iyo Rulli ayaan meel uga banaaneyn dooqa tababare Sampaoli

Xulka uu hogaamiyo Gareth Southgate ee England oo heysta dooqyo cajiib ah ayaa hadana waxaa safkiisa laga waayay Garry Cahil, Daniel Sturridge iyo Harry Kane oo dhaawac qaba

Xulka qaranka portugal oo difaacanaya tartanka UERO ayaa heysta saf uu hogaaminayo Cristiano Ronaldo, laakiin xidigaha kala ah Nani, Eder, Pepe iyo Renato Sanches ayaan ka garab cayaari doonin laacibka Los Blancos

Sweden oo sabab u noqday in xulka Talyaaniga 60 sano kadib isaga haraan koobka aduunka ayaa Ruushka tagi doona iyagoo aan wadan Zlatan Ibrahimovic, laacibka Man United wuxuu horay u shaaciyay in uu isaga fariistay cayaaraha heerka caalami, laakiin wuxuu markale ka dhawaajiyay in kadib koobka aduunka uu macsalaameyn doono xulkiisa Sweden

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com