24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badan

Man United oo si rasmi ah u dhameestirtay saxiixa Fred oo 25-jir ah waxayna kusoo qaateen 52-milyan oo pound.
Qodob 2-aad: Arsenal oo si rasmi ah u dhameestirtay saxiixa ruug cadaa Stephan Lichtsteiner oo bilaash ku yimid Emirates.

Santi Cazorla oo si rasmi ah naadiga Villareal ugu biiray waana markii sedexaad ee uu kooxdan ku laabanayo.
Cristiano Ronaldo oo Real Madrid ka dalbaday heshiis shuruud ku dheehan oo ah in qandaraas ilaa uu 39-sano ka gaarayo laga saxiixi lagana dhigo midka caalamka ugu mushaarka badan.

Man United oo dalab 31-milyan oo pound Sevilla u gudbisay sidii daafaca Clement Lenglet looga iibin lahaa.
Cristiano Ronaldo wuxuu fahmi weesan yahay sababta Real Madrid ugu waalatay soo xero galinta Neymar halka isaga arintiisa aan laga hadleyn!

Tottenham oo wada hadal toos ah la fureyso Man United sidii Anthony Martial looga iibin lahaa.
Liverpool waa inay xagaagan qarash gareysaa 200-milyan oo euro ah haddii ay dooneyso inay gacanta kusoo dhigto sedexda xidig bartilmaameedka u ah Nebil Fekri, Alisson iyo Christian Pulisic.

Inter wey awoodi weesay inay bixiso lacagaha 35-milyan euro ah ku dooneyso Valencia cayaaryahan Joao Cancelo sidaa darteed naadiga Wolves oo EPL ku cusub ayaa 40-milyan euro ah ku qaadaneyso.

 Guardiola oo iska fogeeyay eedeyntii Yaya Toure oo ah inuu cunsuri yahay sidoo kalena neceb yahay inuu cayaartooyda Afrikaanta ah neceb yahay.

Super Cup-ka Talyaaniga oo Sacuudi Carabiya lagu cayaari doono Janaayo 2019 waxayna Sacuudiyaan-ka bixiyaan 7-milyan oo euro ah min 45% ayay Juve iyo Milan kala qaadan doonaan halka 10% xiriirka Lega Serie A qaadan doonaan.

UEFA oo ganaax 13-kulan goolhaye Buffon dul dhigtay tartamada Yurub midaasna kama reebi doonto inuu PSG ku biro.
Claudio Marchisio oo kusii jeedo naadiga AS Monaco wuxuuna soo idleyn doontaa 32-jirkan waayihiisa Juve ku xeen daabnaa.

Image result for  Stephan Lichtsteiner

Image result for Santi Cazorla

Image result for fred

W/Q:Zakarie Abdi