24-saac ugu dambeesay iyo qodobada Sports-ka ugu hadal heynta badnaayeen:

Germany 2-1 Saudi Arabia: Timo Werner (8), Omar Hawsawi (43-gool kama ah), Taisir Al-Jassim

Harry Kane oo heshiis 6-sano ah kooxdiisa Tottenham u saxiixay wuxuuna la joogi doonaa ilaa 2024.

Manuel Lanzini oo xulka Argentina isaga haray kadib dhaawac dhanka jilibka kasoo gaaray mana ka qayb qaadan doono koobka aduunka.

Liverpool oo si rasmi ah u xaqiijisay in Emre Can la fasaxay kooxdii uu doono ku biiri karo loogana mahad celiyay shaqadii uu Reds u qabtay mudadii 4-sano ahayd uu Anfield joogay.

Juventus oo si rasmi ah usoo qaadatay goolhaye Mattia Perin oo 25-jir ah wuxuuna qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah ayadoo 12-milyan oo euro ah sedex xili Juve ku siin doonto naadiga Genoa.

 Pep Sehura oo ah agaasimaha cayaaraha Barcelona ayaa sheegay in hubanti ahaan Antone Griezmann kooxda imaan doono.

 Wargeska Marca ayaa qoray in Cristiano Ronaldo u badan tahay dib ugu laabto kooxdiisii hore Man United xagaagan.

 Paulo Dybala ayaa ku booriyay saaxiibkiis Paul Pogba inuu dib ugu soo laabto Juventus.

 Real Madrid oo la sheegay in 350-milyan oo euro ah kusoo qaadan doonto Neymar Jr.

 Arsenal oo kalsooni ka muujineyso dhameestirka saxiixdyada Sokratis Papastathopoulos (Dortmund) iyo Lucas Torreira maalinta Isniinta ah (Football London).

 Liverpool oo hakad galisay dhameestirka heshiiska Nabil Fekir waxayna dalbatay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo madaama ay ka shakeeyeen caafimaad qabkiisa, tani waxay sababi kartaa in Lyon ay wada hadalo Chelsea la furto (The Guardian).

 Kubad sameeyaha reer Brazil Anderson Talisca ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga reer China Guangzhou Evergrande waxayna ku qaateen heshiis amaah oo ku eg dhamaadka sanadkan.

 Mauri Icardi xulka Argentina looguma yeeri doono si uu badal ugu noqdo Manuel Lanzini balse tababare Jorge Sampaoli wuxuu ku fikirayaa Diego Perotti ama Erik Lamela midkood inuu Lanzini ku badalo.

Man United oo dooneyso saxiixa daafaca garabka midig ee Jarmalka ah Philipp Max kana tirsan naadiga Augsburg wuxuuna caawinaad ka geestay 12-gool kulamadii Bundesliga uu cayaaray xili cayaareedkii dhawaa kaliya Thomas Muller oo 14-gool caawiyay ayaa ka sareeyay.

 Kulamada koobka aduunka la isugu diyaarinayo ee manta dhici doonaa:
Sweden Vs Peru (8:15 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
Denmark Vs Mexico (9:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
Tunisia Vs Spain (9:45 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
France Vs USA (10:00 habeenimo xiliga geeska Afrika)

W/Q:Zakarie Abdi