4 Arrimood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Weyn Ee Barca vs Chelsea

Habeen dambe kooxaha Barcelona iyo Chelsea, ayaa yeelan doona mid kamid ah kulamada ugu adag ee wareega Bug-baxa ee tartanka Champions League, waxaana ciyaartaan oo ah lugta labaad lagu dheeli doonaa Camp Nou.

Hadaba, ka hor inta aan la baasan ciyaartaan, Joornaalada waa weyn ee kasoo baxda Gobolka Catalonia, ayaa waxay kasoo nuqdeeyeen kulanka Afar arrimood, kuwaasoo ay u arkaan inay muhiim utahay ciyaartaan.

Suarez Oo Xagaagan Aan Wali UCL Gool Ka Dhalin

Weerar yahanka Barcelona, gool uu ka dhaliyo Champions League, waxaan ugu dambeysay markii ay PSG, kusoo xaaqeen 6-1, waana sanadkii hore ah, Hal sano ayaana dabcan laga joogaa ama kasoo wareegatay.

Sikastaba, Suarez ayaa wuxuu jecel yahay inuu habeen dambe kusoo kor gaba gabeeyay abaarta ka haysata Champions League, xagaagan kooxdii uu Premeir League kusoo burbursan jiray ee Chelsea.

Pique Oo Kulankiisii 100aad ee UCL Dheeli Doona

Sanado ka hor, Gerard Pique wuxuu qirtay in uusan fileyn inuu dheeli doono maalin un tartanka Champions League, laakiin hada wuxuu kamid noqonayaa liiska ciyaartoyda, kuwaasoo heer sare ka gaaray koobkaan.

Kulankiisii ugu horeeyay wuxuu udheelay koobkaan Mancester United, halkaasoo uu kusoo dhaliyay 11 gool, laakiin Saddex jeer ayuu la qaaday kooxda ka dhisan Xaafada uu ku dhashay ee Barcelona

Barca Oo Jawi Bar-waaqeysan Ku Jirta

Joornaalka Diario Sport ee kasoo baxa Gobolka Catalonia, ayaa soo bandhigay in 21 kamid ah kulamadii ay Barcelona dheeshay xili ciyaareedkan ay badisay 18 kamid ah, islamarkaana labadda kale ay Bareejo gashay  midna waa guul daro.

Bluagrana ayaa waxay dhalisay 60 gool, waxayna shabaqeeda ilaashatay 14 kamid ah, tani ayuu ku macneeyay wargeyskaan inay Chelsea halis ku tahay, inkastoo la arki doono waxa kala qabsada habeen Arbacadda.

“Iniesta Waa Diyaar”

Inkastoo uu hada tababarka kusoo noqday, hadana ma cada inuu dheeli karo, laakiin waxay ubadan tahay inuu ciyaaro: Kabtanka Barca oo UCL hantay afar jeer ayaa dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii Atletico Madrid ee La Liga.

Sagaal maalmood ayaa laga joogaa markii uu dhaawacmay, waxaana la sheegayay inuu maqnaan doono 20 maalin, laakiin Joornaalka SPORT, ayaa warinaya in xidigaan uu taam u yahay inuu “burbursado” Chelsea.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com