5-ta Horyaal Ee Ugu Waa weyn Yurub Xilli Ciyaareedkan Ilaa Haatan Wax Guuldaro Ah La Kulmin

Waxa meel xiiso leh maraya 5-ta horyaal ee ugu waa weyn qaarada yurub ee xilli ciyaareedkan ee Premeir League, La Liga, Serie A-da Bundesliga Iyo Ligue 1 kuwaas oo la maraya bartahama xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee aan ilaa haatan wax guuldaro ah kala kulmin horyaalkeeda marka la eegayo 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa ciyaartay 16 kulan oo premier League ah waxana ay badisay 15 kulan iyaga oo kaliya bar-baro hal kulan xilli ciyaareedkan xilli ay hogaanka u hayaan horyaalkooda.

Kooxda Juventus ayaa rikoodhkaas kula wehelinaysay Liverpool laakiin guuldaradii xalay ka soo gaadhay Lazio horyaalka Serie A-da ayaa meesha ka saartay.

Haatan Liverpool ayaa kali ku ah guul la,aanta horyaalka 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub iyaga oo la sugu doono inta uu sii socdo rikoodhkoodu

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com