5-Xaqiiqo oo laga diiwaan galisay kulankii xalay ee Barcelona iyo Lyon

kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa iska xaadiriyeen wareega 8-aad Champion-ka ayagoo ku mariyeen kooxda Lyon kulan ka dhacay garoonka Camp Nou wareega 16-aad lugtiisa labaad waxayna Barcelona kusoo baxeen isku darka labada lug ee goolasha 5-1.

Kooxda Barcelona 5-1 guusha Lyon kaga qaadatay waxaa goolasha u dhaliyeen Messi 2-gool, Pique, Coutinho iyo Dembele halka Lyon goolka qura uu u dhaliyay Tousart.

Haddab waxaan heynaa 5-xaqiiqo oo muhiim ah ee lagu diiwaan galiyay  Xiriirka (UEFA)  ee Champions League kuna saabsan jabkii Barcelona u geesatay kooxda Lyon:

1-Barcelona wax guuldaro ah ma aysan la kulmin 30-kulan UEFA Champions League oo ay garoonkeeda Camp ku ciyaartay waxayna jebiyeen ama dhaafeen rikooorkii Bayern Munich u yiilay intii u dhaxeesay Maarso 1998 ilaa April 2002.

2-Lionel Messi haatan wuxuu dhanka goolasha kala mid yahay Robert Lewandowski xili cayaareedkan ayagoo min 8-gool wada dhaliyeen.

3-Messi ayaa si la yaab leh garoonka Camp Nou ku dhaliyay 62-gool asigoo ku cayaaray 61-kulan
4- Barcelona kaliya hal guuldaro ayay la kulantay 19-kulan ugu dambeesay UEFA Champions League ciyaartay.

5-Barcelona ayaa guuleesatay 12-kulan wareega kulamada bug baxda ugu dambeesay oo ay garoonkeeda ku cayaartay 16-kulan ka mid ah lugta labaad.