5-Xiddig U Soo Bandhigtay Barcelona Kooxda Inter Milan Si Ay Hesho Saxiixa Lautaro Martínez

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Inter Milan u soo bandhigto 5 xiddig oo kooxdeeda ah si ay u hesho saxiixa xiddiga Lautaro Martinez sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska dirto dhawr xiddig xagaaga si ay suuqa ugu gasho lacagtooda iyo waliba dhaqaale xumada kooxda haysata sabab la xidhiidha Coronavirus.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaarinayso in ay 5 xiddig u soo bandhigto kooxda Inter Milan si ay uga hesho weeraryahanka reer Argetine ee Lautaro Martinez.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay hal dhagax ku disho laba shimbir kooxda Inter Milana u soo bandhigto xiddigah Arturo Vidal, Arthur Melo, Jean-Clair Tobido, Carles Alena & Nelson Semedo si ay uga mid ahaadaan heshiiska Lautaro Martinez.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Lautaro Martinez bilihii ugu dambeeyay waxana la aaminsanyahay in ay u arkaan badalka Luis Suarez

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com