5 Xidig Ee Ku Tartameysa Goolkii Ugu Fiicnaa Kulamadii Isbuucaan Ee CL Oo La Shaaciyey [Daawo + Coddeyn]

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa waxay soo saareen liiska Shanta ciyaaryahan eek u tartameysa goolashii ugu fiicnaa Isbuucaan laga dhaliyay tartanka tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan ee Champions League.

Kooxihii Isbuucaan dheelay ayaa waxay kala ahaayeen AS Roma oo la dheeshay Shakhtar Donetsk, Man United oo qaabishay Sevilla, Bayern oo booqatay Besiktas iyo waliba Barcelona oo Camp Nou kusoo dhaweysay Chelsea.

Kooxaha kala ah: AS Roma, Sevilla, Bayern Munich iyo Barcelona ayaa waxay usoo baxeen wareega Sideed dhamaadka, halka kuwa kale ay iska hareen.

Liiska ciyaartoyda ku tartameysa goolkii ugu fiicnaa ee laga dhaliyay Champions League, ayaa waxay kala yihiin, sidaan soo socota:


Ben Yedder – Man. United v Sevilla (goolkii koowaad)

Dembélé – Barcelona v Chelsea

Dybala – Tottenham v Juventus

Messi – Barcelona v Chelsea (goolkii labaad)

Lang – Man. City v Basel


Hadaba, akhriste xidigee ayay kula tahay inuu ku guuleysan doona goolkii ugu fiicnaa Isbuucaan kulamadii sideeda ahaa ee laga dheelay Champions League – Ka daawo goolasha lifaaqaan hoose, islamarkaana codkaaga halkaas ku dhiibo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com