6-da koox ee aan weli la garaacin shanta horyaal ee qaaradda yurub ugu weyn

Waxaa lasii dhaafayaa 10 toddobaad inta ay socdaan horyaallada ugu waa weyn qaaradda Europe, waxaana soo baxay natiijooyin kala duwan kuwaasoo qaarkood aan lasii saadaalinin.

Saddex koox oo ka mid ah Horyaalka Premier League ayaanan weli dhinacooda dhulka la dhigin kullamada horyaalka,  kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester City.

Xogtan waxa ay u qaas tahay keliya kullamda laga cayaaray horyaallada dalalka sida Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1.

Booska 1-aad waxaa fadhisa kooxda Paris Saint-Germain oo iyadane guuleysatay sagaal kullan oo ay cayaareen xill cayaareedkan kullamada Ligue 1.

Kooxda kale ee ay sheekadan taabaneyso waa Juventus oo wada guuleysatay dhammaan siddeeddeeda kullan ee Serie A xilli ciyaareedkan, iyadoo diiwaankan booska 2-aad kasoo gashay.

Booska 3-aad waxaa ku jirta kooxda Borussia Dortmund, waxaana ay guuleysatay 5 kullan oo Bundesliga ah, guud ahaanna waxa ay ciyaartay 7 kullan.

Manchester City ayaa booska 4-aad kaga jirta sheekadan, taasoo iyadana guuleysatay Lix ka mid ah siddeedda kullan ee laga ciyaaray EPL.

Booska 5-aad kooxda ku xusan ayaa ah waa Chelsea taasoo iyadana Liverpool kala siman natiijooyinka 8-da kullan ee ugu horreysa, waxaana ay adkaatay Lix ka mid ah.

Booska 6-aad waxaa sheekadan kaga jirta kooxda Livepool, taasoo adkaatay 6 kullan oo Premier League ah iyadoo guud ahaan ciyaartay 8 kullan, waxaana ay bareejo gashay keliya laba jeer.