Aaron Ramsey heshiis shan sano ayuu la gaaray kooxda…

Xiddiga qadka dhaxe Kooxda Arsenal ee Ramsey Ayaa La Ogaaday Xilliga Si Rasmiga ah uu Hishiiska Juventus La Galaayo Asigoo Lagu Wado In Si hordhac ah uu Ula Heshiiyay  Kooxda Marwada Duqda ah

Xiddiga Aaron Ramsey ayaa 17-bishan imaanayo magaalada Turin isaga iyo wakiilkiisa si uu Juventus ugu saxiixo heshiis 5-sano ah oo ku kacaayo £36 million (€40m/$46m).

Xiddiga 28-jirkan laga bilaabo 1 July 2019 ayuu noqon doonaa cayaaryahan Juven ka tirsan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Arsenal oo haatan lix bilood kaga harsan.

Lkn haatan kooxdii uu doono ayuu heshiis hordhac ah ayuu la gaari karaa wuxuuna heshiis  la gaaray Juventus .
Naadiyo Badan Ayaa ku Raad Joogay Xidigaan Asigoo Qeyb Ka Ah Xidigaha Beeca Xorta Ah Lagu Heli Karo Dhamaadka Xilli cayaareedkaaan.

Waxaa uuna Xilli Hore iska diiday inuu heshiiska u Kordhiyo Arsenal Waxa Uuna Ku Adkeesanayaa Inuu Isaga Tago London.

Kooxda  Arsenal Wali  waxaa ay raadineysaa Danis Suarez oo ay heli karaan iyo gooldhaliyaha Belgium Yannick Ferreira Carrasco