AC milan ayaa garaacday kooxda Chievo Verona

Weeraryahanka  xulka Portugal ee Andre Silva ayaa Todobaadkii labaad oo Xiriir ah Guul gaarsiiyey kooxda Ac milan kadib markii uu dhaliyey Goolkii ay 3 da dhibcood kaga qaateen Naadiga Chievo Verona.

kooxda AC Milan ayaa  ChievoVerona ku garaacday 3-2 Waxaana Goolka Guusha dhaliyey Weeraryaahnka xulka  Portugal ee Andre Silva kaas oo Cayaarta soo galay daqiiqadii 60 aad markii lagu badaley Fabio Borini.

AC Milan ayaa hada waxa ay ku jirtaa kaalinta 6 aad waxayna leedahay 50 dhibcood Rajo ayaana kaga jirta in ay Xiliga dambe Cayaaraan koobka Champions League oo ah halka ugu danbeysa ee ay higsanayaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com