Ac Milan oo guul soo ka gaartay Genoa & Andre Silva uu waqtigii dhimashada gool dhaliyay.

Kooxda kubada cagta ee Ac Milan ayaa gaartay guul wayn , guushaas ayaa waxeyna timid waqti aan caadi aheyn iyadoo Andre Silva uu dhaliyay gool soo daahay oo qalbiyo badan jabiyay.

Milan iyo Genoa waxey cayaareen kulan la isku adag oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab cayaareed cajiib ah, balse midkood kuma guuleysan iney gool hesho 90-ka daqiiqo ee cayaarta, inkastoo daqiiqadahii dheeriga ahaa ay koox farxad u noqotay.

Ac Milan daqiiqadahii ugu dambeeyay dadala badan ayey sameysay fursad cajiib ah xiddiga Suso ayaa ka caawiyay, waxaana gool u badalay Andre Silva.

Milan waxey natiijadaan ka saaciday iney kaalinta 6-aad soo fariisato iyadoo 6-dhibcood u jirta afarta ugu sareysa horyaalka dalka Talayaaniga

Related image

Image result for andre silva goal Genoa

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com