Afar ka mid garsoorayaasha heerka caalami ayaa caawa dhex dhexaadin doonaan kulanka xulalka kala ah Zambia iyo Guinea

Afar ka mid garsoorayaasha heerka caalami ee u diiwan gashan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa caawa dhex dhexaadin doonan kulanka ay wada cayaari doonan xulalka kala ah Zambia iyo Guinea cayaartan ayaa qeyb ka ah tartanka is reeb reebke koobka African Cup of Nation.

Garsoorayasha ayaa ka amba baxay caasimada magaalada Muqdisho 8-bishan, kulankooda ugu horeya caawa ayee qaban doonan, waana kulanka ugu adag kaa oo lagu aaminay garsoorayasha Soomaaliyeed kuwaaso amaan weyn ka heestan xiriirka.

Kulanka waxaa dhex dhexaadin doona Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari), Calan wadaha Koowad wuxuu noqon doona Xamse Xaaji Cabdi, Calan Wadaha 2-aad ciyaartan waxaa ahaan doona Suelyman Sheikh Bashiir halka garsoorka Keydka uu yahay Cumar C/qaadir Cartan.

Cayaartan ayaa soo gali doona caawa markii ay saacada tahay 6:30-maqribnimo, waxaana laga daawan doona Chenelka SUBER SPORTS 3, Sidaan xogta aan ku heleyno.

Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya si guul ay ku dheehan tahay.

 

W/Q:Cabdifitaax nani