Afar Record aan Cidina gaarin oo Ronaldo dhigay

Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Afar Rikoor oo uu dhigay Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo Rikooradaas oo aysan jirin cid gaartay ilaa hadda.

Hadaba waa kuwee 4 Taas Record ee qaaska u ah Cristiano Ronaldo?

Cristiano Ronaldo Waa Cayaaryahanka kaliya ee 7 Xili cayaareed oo Xiriir ah koobka Champions League ka dhalinayey 10 Gool iyo kabadan.

2011-12: 10 goals

2012-13: 12 goals

2013-14: 17 goals

2014-15: 10 goals

2015-16: 16 goals

2016-17: 12 goals

2017-18: 12 goals

Cristiano Ronaldo Waa cayaaryahanka kaliya ee 6 Xili cayaared oo Xiriir ah dhaliyey Xili cayaareed kasta 50 Gool iyo badan mana jiro Xiddig la mid ah oo sidaa sameeyey.

2010-11: 53 goals

2011-12: 60 goals

2012-13: 55 goals

2013-14: 51 goals

2014-15: 61 goals

2015-16: 51 goals

Cristiano Ronaldo Waa Cayaaryahanka kaliya ee 300 (Sadex boqol) oo Gool oo Horyaalka La liga ah ku dhaliyey kaliya 286 kulan.

Cristiano Ronaldo waa Cayaaryahan kaliya ee koob kasta kula Guuleystey kooxihii uu u Cayaaray sida Manchester United: 3 Premier League titles, UEFA Champions League (1), FA Cup (1), Football League Cup (2), FA Community Shield (1), FIFA Club World Cup (1).

Real Madrid La Liga (2), Copa del Rey (2), Supercopa de Espana (2), UEFA Champions League (3), UEFA Super Cup (2), FIFA Club World Cup (3).

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com