Agaasimaha Cayaaraha PSG Oo Ka Hadlay Hadii Real Ay Ka Iibinayaa Neymar Xagaaga Dambe

Agaasimaha Cayaaraha Paris Saint-Germain, ninka lagu magacaabo Antero Henrique, ayaa wuxuu sheegay in wax su’aalo aysan ka taagneen inuu Neymar sii joogi doono fasal ciyaareedka dambe kooxdaan reer France.

Xidigaan reer Brazil, ayaa waxaa aad loola xiriirinayaa inuu La Liga, islamarkaana uu Real Madrid kusoo biiri doono, kadib markii lagu waramay inuu ku fashilmay la qabsiga Faransiiska, tan iyo markii 222 Milyan uu Barcelona uga soo biiray.

Sikastaba, Henrique ayaa cadeeyay in 26-sano jirkaan aysan uga iibin doonin Real Madrid, oo ay Champions League, isku arki doonaan maalinta Talaada ah, isagona ku nuux-nuux saday in laacibkaan uu muhiim uyahay kooxdiisa.

“Sida iska cad, wuxuu doonayaa inuu PSG lasii joog xili ciyaareedka dambe,” ayuu Henrique ku sheegay wareysi uu siiyay Majalada L’Equipe.

“Aabihiisa, wuxuu sheegay labo ama Saddex maalin ka hor inuu ku farax-san yahay Paris, qorshihiisina uu yahay inuu joogo, oo uu dhaliyo goolal.

“Dadka reer Spain ma jecel kuwa Faransiiska ah, waa ay kaso horjeedaan PSG, iyaga waxay hada noo yihiin kuwa nala xifaaltamaya.

“Wariyaasha reer Spain, waxay ka hadlayaa inuu Neymar, uusan faraxsaneen – Maad su’aashaas weydiisaa Cristiano Ronaldo iyo hadii uu ku farax-san yahay Real Madrid,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com