Akram Afif Oo ku Guuleystay Abaal Marinta Xidiga Ugu Wanaagsan sanadka ee Qaarada Asia

Akram Afif ayaa ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka ee Asian Football Confederation’s (AFC) Player of the Year sanadkan 2019.

Xaflada abaalmarinta ayaa ka dhacday magaalada Hong Kong ee dalka China.

Ciyaaryahan Afif waxaa dhalay Aabo Xasan Afif Yaxye kaas oo u soo ciyaaray kooxda Horseed, wuuxuna u saftay 5 kulan, isagoo u dhaliyay 1 gool, Waxaa xusid mudan in Xasan Afif uu xirtay maaliyada qaranka Ocean Stars 20 kulan ayuu saftay intii u dhaxeysay 1977-1980.

Akram Afif oo ku guuleystay abaalmarintan ayaa noqday ciyaaryahankii 3-aad ee dalka Qadar ka soo jeeda kaas oo hanta abaalmarintan.

Afif ayaa xulkiisa qaranka ee Qadar u suura galiyay in ay hantaan koobka qaramada qaarada Asiya ee Asian Cup.

22-jirkan ayaa sidoo kale kooxdiisa Al Sadd ka caawiyay in ay gaaran afar dhamaadka horyaalka Champions League ee qaarada Asia.

” Waxaan jeclaan lahaa in u mahadceliyay xiriirka kubada cagta ee qaarada Asia taas oo ku aadan in ay i gudonsiiyen abaallmarintan xidiga ugu fiican, Waxaan rabaa in sidoo kale aan u mahadceliyo Ciyaartoyda, iyo Maamulaasha xulka qaranka ee Qadar, iyo kooxdeyda Al Sadd, waxaan rabaa in aan u mahadceliyo qoyskeyga, kuwaaso si weyn ii taageeray, waxaan rabaa in aan u mahadceliyo qof walba oo taagera Akram Afif.

” Kuma Sugni xaflada sabab la xiriirta waajibaadka qaranka ee dalkeyga qatar, mar kale waxan u mahadcelinayaa xiriirka, dhamantiin waxaan idiin rajeynayaa guul, Sidaas ayuu ku sheegay ciyaaryahanka muuqal uu soo duubay.

Abaalmarinta waxaa u gudoomay macalinka kooxda Al Sadd iyo xidigii hore ee Barcelona Xavi Hernandez.

Waa markii 2-aad oo xiriir ah oo ciyaaryahan Asian ah uu abaalmarintan ku guuleysto kaas oo isna tirsan kooxda Al Sadd waana Abdelkarim Hassan, halka Khalfan Ibrahim uu yahay xidigii ugu horeeyay ee reer qadar oo qaata abaalmarinta waana sanadii 2006.

Kaptanka qaranka Jaban ee Saki Kumagai ayaa ku guuleysatay dhinaca haweeneyda ugu fiican Asian Women’s Player of the Year 2019.

Image result for Akram Afif

W/Q:Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com