Alan Shearer oo dhulka Ku Jiiday Alexis Sanchez

Halyeeygii hore ee xulka  England Alan Shearer ayaa ku eedeeyay xiddiga Alexis Sanchez inuu ku fashilmay garoonka Old Trafford, balse sidoo kale si dadban u sheegay in tababaraha ay tahay qofka laga doonayo inuu soo saaro qaabka wacan ee xiddiga.

weeraryahanka xulka  Chile wuxuu noqday cayaaryahanka ugu mushaarka badan Horyaalka Premier League maadama uu January kusoo biiray kooxda Man United, balse kaliya 1-gool ayuu dhaliyay 10-kulan oo uu kooxda ka dhisan Manchester u saftay.

“Waxey lasoo saxiixdeen Sanchez, waxeyna u muuqataa iney heleen walaalkiis la mataan ah, wuxuu u muuqdaa mid la waayay, balse waa shaqada macalinka inuu xiddiga fiican waxqabadkiisa soo saaro” ayuu ku qoray maqaal uu kaga hadlay arinta xidigaan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com