Aleksandr Golovin oo bartilmaameed u ahaa Chelsea iyo Juventus ayaa lasheegay in uu ka degay dalka France

Weeraryahanka xulka  Ruushka ee Aleksandr Golovin oo bartilmaameed u ahaa kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa lasheegay in uu ka degay dalka France halkaas oo uu Tijaabo Caafimaad ugu mari doono Kooxda Monaco.

Wariyaha Caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Aleksandr Golovin uu Tijaabo Caafimaad mari doono Maanta oo  Khamiista ah kadib markii diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday dalka Ruushka waxaana uu Monaco u Saxiixi doonaa heshiis shan sano.

Aleksandr Golovin oo Wacadaro dhigay koobkii aduunka ee lagu qabtay dalkiisa hooyo  ayaa si aad u dhow loola Xiririyey  kooxda Chelsea oo mar lashaaciyey in uu lagaaray heshiiska shaqsiga ah sidoo kale Juventus ayaa aad u doon dooneysey balse hada waxa uu u wareegay xagaa iyo  Horyaalka France.