Alexis Sanchez ayaa sheegay Laba Arimood oo sabab u ahaa in uu ku fashilmay Man United

Laacib cusub ee Inter Milan heshiiska amaahda ah ugu yimid ugu soo biiray kooxda Man United Alexis Sanchez ayaa sheegay Laba Arimood oo sabab u ahaa in uu ku fashilmay kooxda Man United wakhtigii uu joogay.

Xiddiga xulka Chile ee Alexis Sanchez ayaa sheegay in ciyaaris la,aan iyo Badal joogto ah sabab u ahayd in uu ku fashilmay kooxda Man United.

Man United ayaa lacag waali ah oo mushahar ah ku soo xero galisay Alexis Sanchez suuqii Janaury ee 2018 iyada oo uu xiddiga xulka Chile todobaadkii jeebka ku shubanayay lacag dhan 500 kun oo Gini.

Sanchez ayaaa heshiis amaah ah ugu biiray Inter Milan waxana uu sharaxay sababtii uu ugu fashilmay kooxda Man United. Aniga iyo Romel Lukaku waxa aan si fiican u qaadanaynaa tababarka”ayuu u sheegay ESPN Laakiin waxa aan u baahanahay in aan ciyaaro kulamo badan si aan dib ugu helno qaab ciyaareedkii fiicnaa Ma ahan wakhti sax ah oo aan sii joono Man United” ayuu sii raaciyay Waxa jiray badal badan, marka badal sidaas u badan lagugu sameeyo waa arin kale..