Alvaro Morata Oo Shaaciyay Tiradda Goolasha Ee Uu Doonayo Inuu Xagaagan Ka Dhaliyo EPL

Xidigga kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa wuxuu rajo wanaagsan uu ka qabaa inuu fasal ciyaareedkan uu unoqdo mid wanaagsan.

Wiilkaan udhashay dalka Spain ayaa ku dhibtooday xagaagii hore inuu bandhig fiican sameeyo, taasoo ku eedeeyay Antonio Conte.

Sikastaba, Morata ayaa wuxuu kalsooni ka muujiyay in maamulaha cusub ee Chelsea uu ku hogaamin doono isaga muuqaal fiican.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in falsafadda uu ku dheelo tababare Maurizio Sarri ay isaga ahaan u tahay wax wanaagsan.

“Sarri wuxuu ushaqaynayaa si fiican, waana mid mar walba jecel in la haysto kubadda, taasoo ah waxa ugu fiican,” ayuu yiri Morata.

“Waxaan doonayaa inaan dhaliyo wax ka badan 30 gool, balse, waxaan doorbidi lahaa 15 ama 20,” ayuu raaciyay.

“Inaad tiradaas ka dhaliso Premeir League waxay tahay wax ku farxad gelinaysa waxaana isku deyi doonaa,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.