Alves Oo Si Caro Leh Uga Jawaabay Waxa Ka Jir Inuu Diif Ku Tirtiray Dhabarka CR7 Kulankii UCL

Kadib markii lagu eedeeyay inuu doonayay inuu Diifka ku tir-tirtay korka xidigaha Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, ayaa wuxuu Dani Alves si caro leh uu uga soo jawaabay arrinkaas, isagoona iska fogeeyay.

Shilkaan lagu eedaynayo daafacaan, ayaa wuxuu dhacay intii lagu guda jiray ciyaartii ay kooxdiisa Paris Saint-Germain, guul darada 2-1 kala kulantay Real Madrid, taasoo ka tirsaneed UCL, dhacdayna habeenkii Talaadda.

Si kastaba ha ahaatee, Dani Alves, ayaa isku dayay inuu qashinka ku daro sheegakaadaan ku aadan inuu isticmaalay dhabarka ciyaaryaan Ronaldo, u adeegsaday inuu sankiisa isaga tir-tiro qashin kasoo bixi lahaa.

“Shaqadayda, ma aha xanuun badan in la tirtiro maxaa yeelay taasi waa qayb ka mid ah nolol-maalmeedka,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray.

“Laakiin akhrinta waxybaaha nacas-nimada ah, sida tani oo kale… Waxaan sii wadi doonaa inaan ku tartamo sidii aan sameeyay.

“Waxaan ka tagi doonaa macnaha erayga ah dadka nacas ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray, wiilkaan reer Brazil.

Waxaa la socday hadalka daafacii hore ee Barcelona iyo Juventus, hashtag-ga ixtiraam ah, kaasoo ahaa guuleystay ama guul daro.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com