Amiirka Qatar Oo Kooxda Paris Saint-Germain Ka Ganaaxay In Ay iibiso Neymar & Sababta Oo La Ogaaday

Amiirka dalka Qatar ee Tamim bin Hamad Al Thani ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Paris Saint-Germain ku amray in ayna iibin karin xiddiga reer Spain Neymar sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain

Amiirka Qatar ayaa kooxda Paris Saint-Germain ka ganaaxay in ay iibiso xiddiga reer Brazil ee Neymar maadama haysashada xiddiga reer Brazil ay ka dhigantahay Hanti

Xiddiga reer Brazil, oo 26 sanno jir ah, ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo horyaalka La Liga, iyadoo Real Madrid ay u aragto bedelka waqtiga dheer ee Cristiano Ronaldo

Si kastaba ha ahaatee, Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in Amiir Tamim bin Hamad Al Thani uu Neymar u arko Hanti ay leedahay kooxda ku cayaarta Parc des Princes

Waxaana uu u sheegay madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi in uuna ogolayn in uu xiddigu kooxda PSG ka tago xagaaga

Hamad Al Thani ayaa abuuray shirkada Qatar Sports Investmen 2005 waxana ay kooxda PSG iibsadeen sanadkii 2011

Image result for Tamim bin Hamad Al Thani and   Nasser Al-Khelaifi

Waxa lagu soo waramayaa in uu aaminsan yahay in haysashada Neymar ayna ahayn lacag darteed laakiin tahay ku faan sidaas darteed ayna ku iibinayn qiimo kasta

Neymar ayaa kooxda PSG ugu soo biiray rikoorka adduunka isaga oo xagaaga 198 milyan uga yimid kooxda Barcelona waxana uu haatan dhaawac uga maqan yahay kooxdiisa

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com