Andre Gomes Oo Shaaciyay Magacyada Shaqsiyaadka Uu Kala Tashtay Markii Uu Barca Ka Tegayey

Andre Gomes si rasmi ah ma uusan uga tegin Barcelona, kaliya waa amaah ama dayn uu ku aaday naadiga Premier League dheesha ee Everton.

25-sano jirkaan reer Portugal ayaa ka dhawaajiyay in go’aankii uu ku baxay uusan ka shalaynaynin, uuna ahaa mid wanaagsan.

Laacibkii hore ee Valencia ayaa afka ku balaariyay in xubno ay ku jiraan Phil Neville iyo Lucas Digne uu kala munaaqishooday talaabada uu qaaday.

Waxa uu yiri: “Waan hubaa inaan sameeyay go’aanka ugu fiican [inaan ku biiro Everton].

“Dabcan, waxaan helay dalabyo kale. Marco [macalinka Everton] aad buu muhiim ii ahaa – sida uu iila hadlay aniga iyo kalsoonida uu i siiyay. Waxaan la hadlay dhowr jeer ka hor inta aanan go’aanka gaarin.

“Waxaan la hadlay Phil Neville, sidoo kale. Waxaan saaxiibo wanaagsan la ahaa waqtigaygii Valencia, waxaana uu halkaan ku ciyaaray waana uu ogaa sida ay kooxdu u shaqeyneyso.

“Waxaan la hadlay Lucas Digne, sidoo kale. Waxa uu ila ciyaaray Barcelona, ​​wuxuu saxiixay labo ama seddex isbuuc ka hor, waxaana uu i siiyay macluumaad ku saabsan kooxda iyo garoonka.

“Waan ku faraxsanahay inaan haatan joogo Everton, runtii waan ku faraxsanahay go’aanka. Kalsooni ayaan helayaa oo maalinba maalinta ka sii wanaagsan ayaan ku faraxsanahay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.