Andre Silva oo Sadexley u dhaliyey kulankiisii koobaad kooxda Sevilla

Weeraryahanka xulka Portugal ee ay leedahay kooxda AC Milan balse sida amaahda ah ugu cayaara Naadiga dalka Spain ee Sevilla Andre Silva ayaa Xalay saftay kulankiisii koobaad ee Horyaalka La Liga waxaana uu dhaliyey Goolasha loo yaqaan sadexleyda.

Andre Silva ayaa dhaliyey 3 Gool kulankii kooxdiisa Cusub ee Sevilla ay 4-1 kaga badiyeen Naadiga ay kula Cayaarayeen Gurigiisa ee Rayo Vallecano waxaana Xiddigaan uu muujiyey sida uu u yahay Weeraryahan lahubo.

Cayaaryahanka dalka Portugal ayaa ka tegay Garoonka San Siro kadib markii uu laqabsan waayey Cayaaraha Talyaaniga waxaana uu hada amaah ahaan ugu dheelayaa Naadiga dalka Spain ee Sevilla.

Image result for Andre Silva

 

Image result for Andre Silva

Image result for Andre Silva