Andres Iniesta ayaa shaki ku jiraa kulanka maanta & lugta labaad ee wareega 16ka Champions League

Xiddiga kooxda kubada cagta ee Barcelona ee Andres Iniesta ayaa shaki ku jiraa kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay la leeyihiin Chelsea, sida uu xaqiijiyey macalin Ernesto Valverde.

Kabtanka Barca ayaa la bedelay qeybtii hore cayaarta kulankii Atletico Madrid ay 1-0 kaga badiyeen.

Si kastaba ha ahaatee Iniesta ayaa la filayaa inuu seego kulanka ay Barca la cayaareyso Malaga maanta oo sabtid ah Valverde ayaana hubin hadii cayaaryahanka khadka dhexe uu diyaar u yahay inuu wajaho Chelsea, iyadoo labada kooxood ay barbaro 1-1 ah la galeen lugtii hore garoonka  Stamford Bridge ee kooxda chelsea

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com