Antoine Griezmann ayaa sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid

Laacibka weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxdiisa Atletico Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Atletico Madrid ayaa Twitter-ka soo dhigtay Muuqaal laba daqiiqo ah oo uu Antoine Griezmann ku xaqiijiyay in uu kulanka Levante ee Sabtidu noqon doono kulankii ugu dambeeyay ee kooxda Atletico.

Waxa ay ahayd 5 sano oo cajiib ah, waan ku mahadsan tihiin wax walba, waxa aan ku qaadan doonaa qalbiga”ayuu Antoine Griezmann yidhi.

Xiddiga reer France ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxda Barcelona kuwaas oo la filayo in ay mar kale isku dayaan sidii ay u heli lahaayeen adeegiisa marka la gaadho xagaaga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Antoine Griezmann la kulmay tababare Diego Simeone iyo waliba Gudoomiyaha Mguel Angel Gil Marin si go,aan looga gaadho mustaqablkiisa kaas oo albaabka u furay Barcelona.

Griezmann ayaa Bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona xagaagii laakiin xiddiga ayaa qaatay go,aan uu heshiis cusub ugu saxiixay kooxda Atletico Madrid ka hor koobkii adduunka.