Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Qalad Ay Kooxdiisu Sameysay Oo Lagu Ciqaabay Kulankii La Liga

Atletico Madrid oo qarka u saarneed inay hogaanka u qabato La Liga, ayaa iska khasaarisay fursadaasi oo soo martay dheeshii ay la ciyaartay Barcelona.

Labada kooxood oo haatan farqiga udhaxeeya uu yahay hal dhibic ayaa gorada is-daray xalay oo Sabti ahayd, markaasi oo ay ku kala baxeen natiijo dhan 1-1.

Diego Costa ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa, balse, Bluagrana waxaa fakiyay ciyaaryahan Ousmane Dambele, oo neefta kusoo celiyay kooxdiisa.

Antoine Griezmann, oo kulanka ka dib u waramay warbaahinta wuxuu carabka ku dhuftay inay is-dhigteen ayna isa siiyeen guusha, taasi oo uu qalad ku tilmaamay.

“Barcelona ma ahan koox laysku dhigto…Waxaan hubaa inay daqiiqad kasta soo laaban karaan,” ayuu Antoine Griezmann u sheegay saxaafadda dheesha kadib.

“Waa mid kaasi qaladka aan galnay, waxaana ku farax-sanahay sida aan haatan nahay, waana inaan halkeena kasii soconaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.