Arda Turan oo dhacdo fool xun kula kacay fanaan caan ah

Xiddiga kooxda Başakşehir ee dalka Turkiga, isla markaasna amaahda kaga maqan Naadiga  Barcelona ayaa dagaal iyo qalalaaso ka sameeyay magaalada Istanbul meel ka mid ah, isagoo sanka ka jebiyay fannaan caanka ah dalka Turkiga

Sida laga soo xiganayo wargaysayada  dalka Turkiga, dagaalka ayaa ka billaawday ka dib makii uu usoo dhowaaday xaaska fannaanka lagu magacaabo Berkay

Image result for Berkay

In yar ka dib, Berkay ayaa si fool-ka-fool ah usoo hor istaagay Arda, waxaana halkaas ka abuurmay dagaal toos ah

Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid ayaa durba sanka ka jebiyay fannaanka, taasoo dhalisay in isbitaalka loo lacararo

Image result for Berkay wife  and arda turan

Dagaalka halkaas kuma uusan ekaanin  Arda ayaa isbitaalka kaga daba tagay Berkay, waxaana uu dib ugu dhowaaday xaaskii fannaanka, isagoo weydiistay inay disho ninka, si noloshiisa ay usoo gabagabeyso, sida ay qorayaan qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Istanbul

Image result for Berkay wife  and arda turan