Argentina, Portugal Iyo Brazil Oo Guul Gaaray, Spain Iyo Germany Oo Bareejo Wada Galay + Natiijooyinka Kale

Xalayto waxaa la dheelay kulamo saaxiibtinimo, kuwaasoo ay ciyaareen qaar kamid ah xulalka aduunka, iyadoona ciyaaruhu ay ahaayeen kuwa waa weyn

Ugu horeyn, Brazil ayaa waxay guul ay ka gaaree dhigooda Ruushka kadib markii ay kusoo darbaaxeen 3-0 – Coutinho, Paulinho iyo Marinda ayaa goolasha kala dhaliyay.

Sidaasi si lamid ah, Portugal ayaa 2-1 kusoo karbaashtay Masar – Cristiano Ronaldo ayaa labo gool udhaliyay dalkiisa, halka Maxamed Saalax uu goolka kale ka yimid.

Argentina ayaa waxay iyada gool ay ka gaartay dhigeeda Italy, iyadoona kusoo dharbaaxay 2-0 – ciyaartoyda kala ah: Ever Benca iyo Linzini ayaa goolasha kala dhaliyay

Sidoo kale, xulalka Spain iyo Germany oo wada dheelay waxay wada galeen Bareejo 1-1, goolka waxaa udhaliyay Spain gooldhaliye Rodrigo halka Germany uu usaxiixay ciyaaryahanka lagu magacaabo Thomas Muller

Hoos Ka Arag Natiijooyinka kale

Japan 1-1 Mali

Azerbaijan 0-1 Belarus

Cyprus 0-0 Montenegro

Finland 0-0 FYR Macedonia

Russia 0-3 Brazil

Senegal 1-1 Uzbekistan

Bulgaria 0-1 Bosnia-Herzegovina

Norway 4-1 Australia

Turkey 1-0 Republic of Ireland

Greece 0-1 Switzerland

Hungary 2-3 Kazakhstan

Tunisia 1-0 Iran

Saudi Arabia 1-1 Ukraine

Serbia 1-2 Morocco

Argentina 2-0 Italy

Austria 3-1 Slovenia

Germany 1-1 Spain

Netherlands 0-0 England

Poland 0-1 Nigeria

Portugal 2-1 Egypt

Scotland 0-1 Costa Rica

France 2-3 Colombia

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com