Arin Sir Ah Oo Ka Dambeysay Inuu Ku Fashilmo Saxiixa Lewandowski Oo Soo Bandhigay Van Gaal

Tababarihii hore kooxda man United ee Louis van Gaal ayaa xaqiijiyay inuu isku dayay saxiixa weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski waqtigiisii kooxda Macalin u,ahaa.

Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo Man United ay ku faraxsanaayeen saxiixa weeraryahanka, laakiin Bayern Munich ayaan dooneyn inay waqtigaas iibiso.

“Haatan waa weeraryahanka ugu fiican adduunka, sidoo kale waxaan doonayay inaan tababaro u noqdo Lewandowski, waxaan ku fakiray inaan keeno Manchester United,” ayuu u sheegay wargayska Bild.

“Qiimaha lagu doonayay isaga diyaar ayay la aheyd Manchester United, laakiin Bayern ma aysan dooneynin inay iska iibiso” ayuu Van Gaal yiri.

weeraryahanka Lewandowski ayaa u dhaliyay 141 gool kooxda Bayern Munich tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund sannadkii 2014kii.

Robert Lewandowski ayaa si weyn ugu dhawaaday u dhaqaaqista kooxda Manchester United waqtigisii uu hogaanminayay macalin Louis van Gaal.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com