Arsenal Oo Dabaha Guulaha Kusoo Noqotay Xili Ay Emirates Ku Xasuuqeen Watford [Sawiro]

Kooxda kubada cagta Arenal ayaa wada guulaha kusoo noqotay kadib markii ay gurigooda Emirates ay kusoo xaaqeen dhigooda Watford, ciyaar si weyn ay ushaqeeyeen dhamaan ciyaartoyda Gunners-ka.

Kooxda macalin Arsena Wenger oo kulankaan umuuqatay mid ay wada shaqeyn badan ay ka dhex-jirtay ayaa waxay guusha ku heshay ciyaartaan 3-0, waxaana goolasha ay kala dhalisay labadda qeybood ee ciyaarta.

Daafaca reer Germany ee Shkodran Mustafi, ayaa wuxuu dhaliyay goolkii furitaanka ee Arsenal, wuxuuna yimid goolkiisaan daqiiqadii 8aad ee qeybta koowaad ee ciyaarta, waana bilowgii kulanka.

Match photo

Qeybta koowaad ayaa waxaa lagu kala baxay 1-0, oo ay ciyaarta ku hogaamineyso kooxda Gunners-ka, iyadoona nasiinada sidaas lagu aaday.

Markii dib leyskugu soo laabtay ayaa waxay lasoo shir tageen ciyaartoyda labada kooxood isbedal weyn, waxaana ay sameeyeen fursado badan Boga labad.

Daqiiqadii 59aad ayaa waxaa Arsenal goolka labaad ay ka heshay ciyaaryahanka lagu magacaabo Pierre-Emerick Aubameyang, isagoona ka dhigay 2-0.

Goolkaas kadib, Watford waxay beegsatay shabaqa Arsenal dhowr jeer, waxayna dooneysay inay dhaliso gool, laakiin ma aysan usuura gelin.

Daqiiqadii 77aad ayaa waxaa yimid goolkii saddexaad ee Gunners-ka, kaasoo uu dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Henrikh Mkhitaryan, kaasoo kulanka kusoo gaba gabeeyay 3-0, inay ku badiso Arsenal.

Guushaan ayaa waxay siineysaa Arsenal, inay soo gasho kaalinta Lixaad, waxayna leedahay 48 dhibcood – Chelsea oo Shanaad ah ayaa leh 56 dhibcood, halka Tottenham oo afaraad ku jirto ay leedahay 58 Buundo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com