Arsenal Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Heshay Tottenham Xili Uu Aubameyang Labo Dhaliyay

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa wada dheelay mid kamid ah kulamadii ugu xiisaha badnaa ee todobaadkan laga ciyaaro tartanka Premier League.

Dheesha oo minanka Gunners-ka ka dhacday ayaa kusoo dhamaatay daqiiqaihii loo qorsheeyay 4-2 oo ay ku adkaatay naadiga martida loo ahaa.

Kooxda waqoyga London ka dhisan ayaa goolasha uga mahad-naqeysa; Pierre-Emerick Aubameyang oo labo saxiixay, Alexandre Lacazette iyo waliba Lucas Torreira.

Spurs ayaa goolasha waxay dhankeeda uga mahdineysaa laacibiinta kala ah; Eric Dier iyo waliba Harry Kane, kaasi oo uu hadafkiisu ahaa Gool ku laad.

Si lamid ah, midka kamid ah goolasha Aubameyang waxay ahaayeen Gool ku laad, gaar ahaan goolkiisii labaad, kaasi oo uu neefta ugu soo celiyay kooxdiisa.

Inta uu socday kulankii dhex-maray kooxahani waxaa casaan la siiyay Jan Vertonghen, xili ay intaas dheer taahy inay jireen ciyaaryahano loo qaybiyay Jaalo.

Guushaan ayaa uga dhigay Arsenal inay yeelaneyso 30 dhibcood, iyadda oo fadhisa kaalinta Shanaad, wallow Spurs oo lixaad jiifta ay leedahay 30 buundo.