Arsenal oo mucjiso kala kulantay Leicester City

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulmeen kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad oo xiriir ah kadib guuldaradii ay kala kulantay Leicester City taas oo sii dhaawacday rajadeeda u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka .

Kulanka ayaa ku bilowday qaab isku dheeli tiran iyada oo ay labada kooxood qaadayeen weerar iyo weerar celis iyaga oo waliba samaynayay fursado goolal laga dhalin karo.

Inkasta oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaarn aan caajis ahayn hadana waxa ay ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 36-aad kadib markii kaarka cas loo taagay daafaca Ainsley Maitland-Niles kadib markii uu qaatay laba digniinood.

Waxa qeybtii hore  bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaar oo ay labada kooxood ku kala bexeen bilaa goolal ah.

Qaybtii dambe ayay labada Kooxood ku bilowdeen si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wax ka badalaan iyaga oo si cajiib ah ku bilowday.

Daqiiqadii 56-aad ayay Leicester City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Youri Tielemans kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1-0.

Kooxda Arsenal ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta waxana ay Leicester City ku qaaday weerro waali ah oo aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa si fiican u difaacatay goolkeed waliba Gunners ka hor istaagtay in ay dhaliyaan goolal shabaqoodana si fiican u difaacday.

Leicester City ayaa daqiiqadii 86-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Jamie Vardy kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Kooxda Leicester City ayaa dhalisay goolkii 3-aad daqiiqadii 90-aad iyaga oo uu u dhaliyay isla Xiddiga weerarka ee Jamie Vardy kaas oo dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkii 2-aad ee shaqsiga ahaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City garaacday Arsenal dhabarkana u saartay guuldaradii 3-aad oo xiriir ah

Image result for leicester city vs arsenal

Image result for leicester city vs arsenal

Image result for leicester city vs arsenal