Arsenal Oo Suuqa Dhigtay Hector Bellerin sababta ka dambeysa & qiimaha ay ku iibinayso

Kooxad kubada cagta ee Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso daafaca xulka spain Hector Bellerin si ay lacagta ay ka hesho ugu qarsh gareyso suuqa kala iibsiga xagaaga, sida laga soo xigtay wargeysyada.

Bellerin ayaa xilli cayaareed  ku qaadanaya  garoonka Emirates ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ku laabto Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Daafaca midig ayaa silama filaaan ah kaga soo muuqday Arsenal saddex sanno ka hor, waxaana uu haatan kujiraa 18kii bilood ee ugu dambeyay qandaraaskiisa  garoonka Emirates.

Wargaysga Daily Mail ayaa sheegeysa in Arsenal ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya Bellerin, laakiin waxa ay kaliya ku fasixi doonaan dalab 60 milyan oo ginni ah.

Laacibka Bellerin oo 22 jir ah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona, halkaasoo uu ku qaatay sideed sanno ka hor inta uusan ku biirin Arsenal 2011kii.

Waxaa lagu soo waramaya  in Bellerin uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda  Arsenal haddii uu helo fursad uu ugu dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha waa weyn ee kubadda cagta aduunka

madaxa kooxda Arsenal Sven Mislintat, aya doonaya inuu ugu yaraan seddex cayaaryahan oo cusub kusoo daro kooxdiisa xagaagan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com