Arsenal oo suuqa kala iibsiga ku jahwareersan Tababaraha Kooxda oo u jawaabay taageerayaasha

Laacib Sports : Macalinka kooxda Arsenal Unai Emery ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka hor ciyaarta ay berri la leeyihiin kooxda West Ham United horyaalka Premier League-ga ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada kooxda iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyada ee imika furan oo ilaa hada ay kooxda Arsenal aad moodo in ay ku adkaatay soo xero gelinta ciyaaryahanno cusub.

Dadka aadka u badan ee Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa waxa ay u dheg taagayaan laacibiinta ay kooxdoodo la soo wareegto ayaa macalinka kooxdu uu sheegay in ilaa hada aanu u sheegi Karin cida ay la soo wareegayaan iyo isagoo sidoo kale sheegay xataa in isagu uu walaac ka qabo in kooxdu ay keento ciyaartoyo tayo leh taasoo ka cadhaysiisay dhaman taageerayaasha Arsenal ee ku kala sugan daafaha dunida.

Tabaraha Reer Spain Unai Emery ayaa Yiri “Ma ogi in aan heli karno saxiixyada ciyartooyada imika diyaarka ku ah suuqa kala iibsiga balse waynu arki doonaa hadii aanu jaanis u helno”.

Macalin Emery isagoo diiday in uu ka jawaabo in uu balan qaado ugu yaraan hal ciyaaryahan oo imika kooxda imanaya si taageerayaasha kooxduna ay u helaan dhiiro gelin, wuxuuna ka gaabsaday in uu been u sheego taageerayaasha kooxda wuxuuna ku soo gabagabeeyey in uu eegi doono suuqa kala iibsiga.

Unai Emery