Arsene Wenger ayaa qirtay inuu wadahadalo la yeeshay Barcelona si uu ula saxiixdo Lionel Messi

Macalinkii hore Arsenal ee Arsene Wenger ayaa qirtay inuu wadahadalo la yeeshay Barcelona 2003-dii si uu ula saxiixdo Lionel Messi markii uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan Akadeemiyada kooxdab Barcelona .

Tababare Wenger wuxuu lahaa liis dheer oo ciyaartooy dhalinyaro ah oo uu doonayey inuu la soo wareego xilligaas, waxayna qaarkood haatan noqdeen xiddigaha ugu caansan kubadda cagta Cristiano Ronaldo oo uu qirtay inuu wadahadalo kooban la yeeshay tababaraha dalka  France kahor inta uusan ku biirin Manchester United.

Arsene Wenger ayaa wuxuu hadda sharraxay inuu kala hadlay Lionel Messi imaatinka  Arsenal sanadkii 2003.

Tababaraha dalka France ayaa mar uu la hadlayay shabakada “beIN SPORTS” wuxuu u sheegay:

Waxaan wadahadal kula jirnay markii aan Cesc Fàbregas ka soo iibsaday Barca sababtoo ah Messi way wada ciyaarayeen isaga, sidoo kale Gerard Pique ayaa qeyb ka ahaa..

“Ugu dambeyntii Messi wuxuu sii joogay Spain, waxaan xiiseeneynay inaan la soo saxiixano, laakiin waa ay diideen inay u ogolaadaan inuu baxo, waxeyna sheegeen inaysan diyaar u aheyn in xiligaas uu ka dhaqaaqo.

Mar wax laga weydiiyay inuu ku dhawaaday lasoo saxiixashada  xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu yiri:

Haa mararka qaar waa inaad ku noolaataa dareen qoomamo ah, waad ka war qabtaa, waxaa jira shaqooyin waaweyn aan wax guul laga gaarin waqtigeeda, taasina waa wax qeyb ka ah nolosha.