Arthur Oo Kashifay Labo Xidig Oo Waa Weyn Kuwaasoo Ku Qanciyay Kusoo Biirista Barcelona

Kadib wada hadalo muddo badan qaatay oo ay la gashay Barcelona, kooxda reer Brazil, ee Gremio, ayaa waxay ugu dambeyntii ay kala heshiisay iibinta ciyaaryahankii ay ka dooneysay ee Arthur, kaasoo sheegay inuu ku farax-san yahay arrinkaas.

Laacibkaan ayaa wuxuu kasoo muuqan doonaa Camp Nou, sanad ciyaareedka soo aadan, gaara ahaan bisha Janaayo, iyadoona Bluagrana, ay haysato dookh ah inay kordhiso lacagta ay ku iibsaneyso laacibkaan khadka dhexe ka dheela.

“Waan farax-sanahay, maxaa yeelay sida ay ugu soo gaba gaboobeen aniga iyo kooxda Gremio wada xaajoodyadda,” ayuu usheegay Majalada reer Brazil ee O Globo.

“Waxaan ku farax-sanahay sida ay wax walba udhaceen iyo in hadda aan ka hadlayo kooxeyda aan ujeedo inaan ku biiri karo Barcelona,” ayuu sii daba dhigay.

“Waan su’aalay Neymar sida ay tahay Barcelona, wuxuuna kaliya ii sheegay wax wanaagsan, isagoona igula taliyay inaan ku biiro kooxdaan,”ayuu qiray.

“Waxaan kaloo la haday Coutinho, kaasoo ii sheegay inaga inay tahay Magaalo cajiib ah iyo koox ay fiican tahay in loo dheelo,” ayuu cod dheer ku sheegay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com