Arturo Vidal Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyay Kooxdiisa Barcelona

Arturo Vidal ayaa wuxuu kusoo biiray Barcelona horaantii fasal ciyaareedkan, markaasi oo uu kaga yimid naadiga Bayern Munich ee wadanka Germany.

Qiimo lacageed dhan 27 milyan oo lamid ah da’diisa ayaa lagu soo iibsaday, markaasi oo uu soo gabagabeeyay muddo uu  ku sugnaa horyaalka Bundesliga.

Vidal oo wareysi siiyay warbaahinta kadib kulankii Champions League ayaa hoosta ka xariiqay inuu la kulmay soo dhawayns oo wanaagsan.

Dagaalyahankaan ayaa afka ku balaariyay inuu kalsooni xoogan uu ka qabo inuu Barcelona koobab kala duwan xili ciyaareedkan, oo ay caqabado wajahayaan.

“Kooxda si wanaagsan ayay ku bilaabatay..Sidaas darteeda, waxaan ubaahan nahay ka shaqaynta sidii aan wax kasta usameyn lahayn,” ayuu xusay.

“Halkaan si diiran ayaa laygu soo dhaweeyay….Waxaan rajaynayaa inaan wada qaadano fasal ciyaareed fiican, taasi ayaana ah waxa aan hiigsaneyno,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.