Arturo Vidal Oo Shuruud Culus Ku Xiray Inay Barca Xagaagan Ku Guuleysto In Ka Badan Labo Koob

Barcelona ayaa kulankii ay ka dheeshay Champions League habeenkii Arbacada, kaasi oo ay wajahaday dhigeeda PSV waxay ku badisay 2-1.

Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay, kaasi oo bandhig qurux badan sameeyay xili Gerard Pique uu raacdsaday gool kale, kahor inta aanan gool looga shubin.

Arturo Vidal oo kulankaasi kadib wareysi siiyay warbaahinta wuxuu rajo fiican ka muujiyay inay xagaagan ku guuleytaan in ka badan labo koob.

Balse, ciyaaryahankaan reer Chile wuxuu shuruud kaga dhigay taasi in kooxdiisa ay la timaado hufnaan shaqo iyo dhabar adeeg aad ubalaaran.

“Waan sameyn karnaa wa kasta, balse, waa inaan la imaanaa hufnaan iyo ad-adeeg xoogan,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay laacibkaan 27-sano jirka ah.

“Sidaas darteeda, waxaan rajaynayaa inaan sameyn doonaa wax kasta oo macquul ah si aan ugaarno hadafkeena iyo midka shaqsiga ah,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.