Baacsiga Ay Ugu Jirto Jadon Sancho Man United Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay

Kooxda Man United Fursadihii ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa khatar ugu jira in uuna dhicin xagaaga sabab la xiriira xanuunka Coronavirus.

Xiddiga xulka England ayaa la aaminsan yahay in lagu qiimeeyo 120 milyan oo euro xilli si weyn loola xiriirinayo in uu isaga tago kooxdiisa Bundesliga xagaaga.

United ayaa xiddiga reer England ee 29 jirka ah ka dhigatay bartilmaameedka ugu weyn ee suuqa xagaaga laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Red Devils ku qasbanaan doonto in ayna u dhaqaaqin xiddiga reer England xagaaga maadama aan la ogayn in lacag badan suuqa la galiyo.

wargayska ayaa sheegaya in ay UEFA soo dajin doonto xeer sheegaya in aanay kooxna suuqa galin wax ka badan 70 ilaa 80 milyan oo euro sabab la xiriira dhaqaale xumo soo wajahaysa kubada cagta adduunka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com